Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan Sh. oo dhagax dhigay xaruntii hore G/banaadir ee Ufficio Governo.

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan Sh. oo dhagax dhigay xaruntii hore G/banaadir ee Ufficio Governo.

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Dhagax dhigay Dhismaha Xaruntii Hore ee maamulka Gobolka Banaadir "Ufficio Governo" ee Degmada Xamar weyne.

Munaasabaddii dhagax dhiga xaruntii hore ee G/Banaadir Visha Governo ayaa waxaa Maadaxweynaha kala qeybgalay Wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha G/banaadir iyo Xildhibaano.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa magalada Muqdisho oo ka hadlay furitaankii dhagax dhigaasi ayaa sheegay in la tashiyo kaddib la isku afgartay in dhismahaasi sidiisa dib loogu dayactiro.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa mahadnaq balaaran u jeediyay Howlwadeenada Gobolka Banaadir, isagoo si gaar ah amaan buuxda Madaxweynaha hortiisa uga jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku ammaanay howsha baaxada leh ee uu wado.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in dib u dhiska Xaruntii gobolka Banaadir ay tahay astaantii iyo taariikhdii Soomaaliya oo soo noqotay, isagoo dadka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska wadanka si loo soo celiyo heykalkii dowladnimo.

Guddoomiyaha G/banaadir tan iyo markii la magacaabay wuxuu maamulkiisa bilaabay howlaha dib loogu dayactirayo goobihii taariikhiga ahaa, iyadoo maanta ay aheyd markii dib loo furay Suuqii hore ee Ceel-garweyne oo 23-kii sano lasoo dhaafay ahaa mid burburka saameeyay.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada