Daawo Sawirada:- Majaajiliiste caan ah oo isku dhax qariyay Xulka Qaranka Ingiriiska oo fashilmay

Daawo Sawirada:- Majaajiliiste caan ah oo isku dhax qariyay Xulka Qaranka Ingiriiska oo fashilmay

daajis.com:-Majaajiliiste caan ah oo ushaqeeya BBC si weyna looga yaqaano Dalka Ingiriiska ayaa isku dhax qariyay Ciyaartowda Xulka Qaranka Dalka Ingiriiska xili ay u safrayeen Magaalada Miami ee Dalka Mareykanka.

Ninka Majaajiliiastaha ahaa ayaa soo xirtay labiska ay wateen Ciyaartowda Dalka Ingiriiska xiliga ay safrayeen waxa uuna ninkan iska dhigay qof kamid ah Ciyaartowda ama Shaqaalaha Xulka Qaranka Ingiriiska .

Ciyaartoyda England ayaa sugayey bas uqaadi lahaa hool gaar ah oo katirsan kuwa lagu sugo diyaaradaha (Terminal), balse jilaaga BBC ushaqeeyo oo lagu magacaabo Simon Brodkin ayaa isku dayey inuu isku dhex qariyo kooxda iyo shaqaalaha xulka qaranka.

Waxaa lasoo bandhigay Sawirada qaar kamid ah Ciyaartowda Dalka Ingiriiska ayaa si aad ah u fiirinayay ninkan ay bar garan waayeen ayna la yaabeen halka uu xulka kasoo raacay iyo ujeedka socdaa;kiisa.

Ugu dambeyn ninkan Majaajiliistaha ah ayaa ku fashilmay in uu raaco Ciyaartowda Xulka Ingiriiska oo kusii jeeda dalka Brazil , waxaana xiray oo qabtay ninkan saraakiisha amaanka garoonka Diyaardaaha ee ka dhoofayeen Ciyaartowda.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada