Maxkamadda Turkiga oo amartay in lasoo xero Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab

Maxkamadda Turkiga oo amartay in lasoo xero Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab

daajis.com:-Maxkamadda magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa maanta soo saartay amar lagu soo xirayo Shan ka tirsan madax Kooxda Shabaab ee Somalia ka dagaalanta.

Maxkamada ayaa ragan ay amartay in lasoo xiro, waxay ku eedeysay ineey masuul ka ahaayeen, weerar bishii July 28 , 2013 lagu qaaday safaaradda Turkigu uu ku leeyahay Muqdisho, weerarkaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah ciidamada Boolis Turkiga ee Safaarada.

Dacwad-oogayaasha maxkamadda ayaa sheegay in booliiska caalamka ee INTERPOL ay il gaar ah ku eegaan saraakiisha oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, kuwaasi oo la dul saaray calaamada gaduudan.

Magacyada Saraakiisha shababka katirsan ee maxkamadu amartay, in lasoo xiro, waxaa ugu horeeyo, Amiirka Al-shabaab, Axmed Cabdi Ow-Maxamuud (Godane), Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf (Shan-gole) oo ka tirsan saraakiisha Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar Roboow Cali (Abuu-Mansuur)  oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha Al-shabaab, Xasan C/llaahi Xirsi (Al-Turki) iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo sannad ka hor ah ka soo baxsaday, kaasoo gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa kooxo hubeysan agagaarka Km4 ku dileen madaxii ilaalada shirkaddaTurkish Airlines, xili uu saarnaa gaarigiisa.

Waa markii ugu horeeysay ee Maxkamad ku taal dalka Turkiga, ay bixiso amar lagu soo xirayo madax shababka ka tirsan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada