Dalka Suuriya oo maanta ay ka bilaabaneyso Doorasho

Dalka Suuriya oo maanta ay ka bilaabaneyso Doorasho

daajis.com:-Waddanka Suuriya waxaa maanta ka dhacaysa doorashada madaxweynaha, xilli uu dalkaasi muddo saddex sano ah ka soconayo dagaal sokeeye oo aan joogsi laheyn. 

Waa markii u horreysay muddo 50 sano ah oo qoyska reer Assad ay wajahayaan loolan dhanka dowladda ah, waxaana la tartamaya musharaxiin ay dowladdu ogolaatay, inkastoo madaxweyne Bashaar Al-Asad la filayo in uu si fudud ku guulaysto.

Xasan Al Nouri waa mid ka mid ah musharixiinta.
Waxa uu BBCda u sheegay in mustaqbalka Suuriya aanu go'aan ka gaari karin hal nin.
Mucaaradka ay taageeraan reer galbeedka ee Isbahaysiga Qaran ee Suuriya ayaa dhaleeceeyay doorashada, waxayna ku tilmaameen inay tahay mid ku saleysan dhayal, oo ay tahay in la qaadaco.

Codbixinta ayaa waxa ay ka dhacaysaa goobaha ay dawladdu gacanta ku hayso, ammaanka ayaana si aad ah loo adkeeyay, si looga hortago weerarkasta oo ka yimaado dhanka fallaagada.

Tafaftiraha BBCda ee Bariga Dhexe ayaa sheegaya in waqtiga lagu soo beegay doorashada ay astaan u tahay dareenka cusub ee kalsoonida ee uu qabo madaxweyne Assad.
- BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada