WARBIXIN:- Khilaafka M/weynaha iyo mudanayaasha Baarlamaanka

WARBIXIN:- Khilaafka M/weynaha iyo mudanayaasha Baarlamaanka

daajis.com:-Tan iyo marki ay soo if baxday in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay si rasmi ah usoo saareen go’aan ay ku diidan yihiin madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynuhu waxa uu bilaabay inuu u guurgallo arintaasi.

Xildhibaanada diidanaa islamarkaana mooshinka ka dhanka ah ka keenay madaxweynaha ayaa tiradooda ahaa  ilaa 115 xildhibaan, kuwaasi oo madaxweynaha ku eedeeyay inuu gudan waayay shaqadiisa.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa soo qoray warqad ay ku qoran tahay qodobada ay kaga soo horjeedaan, waxaana qodobadaasi ka mid ahayd inuusan dalka wax u qaban, inuu ku guuldarreystay amaanka goobaha ay dowladdu ku sugan tahay.

Bayaankaasi ay xildhibaanada ku dalbanayeen inuu madaxweynuhu isku casilay, waxaa loo gudbiyay xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya, inkastoo ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay Nicklos Kay uu sheegay in Qaramada midoobay aysan cadaasi saareeyn madaxweynaha.

Mooshinkaasi xilligi laga gudbinayay madaxweynaha ayaa safar shaqo dibadda ugu maqnaa, marki uu soo laabtayna waxa uu qorshihiisa ugu horreeysay ka dhigay sidii uu ku kala diri lahaa xildhibaanadi ku kacsanaa.

Kulanki ugu horreeyay ayaa madaxweynaha waxaa uu 11-ki may xilli habeen ah la qaatay qaar ka tirsan xildhibaanadi kasoo horjeeday,kuwaasoo tiradoodu ahayd ilaa 35 xildhibaan, waxaana ay sheegeen kulanka kadib inay ka laabteen go’aanka halka qaar kalena ay sheegeen in laga been abuuray oo magacyadooda la qoray islamarkaana la gudbiyay.


Madaxweynaha ayaa wixi markaasi ka dambeeyay bilaaabay kulamo uu si gooni gooni ah la qaato xildhibaanada kasoo horjeedo, isagoo kulankooda u adeegsanayay shaqsiyaadka ay isu dhowyihiin xildhibaanada kasoo horjeedo.

Kulamada uu madaxweynuhu la qaadanayay xildhibaanada kasoo horjeeday ayaa inta badan dhacayay xilliga habeenki, iyadoo haatan na xuu xalay kulanki ugu dambeeyay la qaatay guddi ay soo doorteen xildhibaanada kasoo horjeeda, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay ilaa 20 mudane sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah guddiga oo diiday in la shaaciyo magaciisa.

Guddigan uu madaxweynaha xalay la kulmay ayaa waxa ay isla soo qaadeen sida lagu xalin karo khilaafka u dhexeeyo madaxweynaha dalka iyo mudanayaasha Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa guddigan xalay u soo jeediyay in si nadiif ah lagu dhameeyo khilaafka, waxaana ay labada dhinac islameel dhigeen qodobo dhowr ah.

Gudigan ayaa haatan qodobadi ay madaxweynaha islameel dhigeen dib ugula laaban doonaan xildhibaanada ku kacsan madaxweynaha.

Xildhibaanada ku kacsan madaxweynaha inti hore wey ka yaryihiin, inkastoo ay jiraan xildhibaano kale oo hoos ka riixaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ayaa kor usii qaadeesa amaan darrida caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho haatan ka jirta, iyadoo madaxweynaha uu lumen karo kalsoonida mudanayaasha hadi isbedel dhanka amaanka ah lagu sameeyn magaalo madaxda dalka ee Mudisho.

Hadaba xagee ku dambeyn karaa khilaafka madaxweynaha iyo Baarlamaanka?

Fadlan fekerkaaga waa muhiim inoogu soo dir ciwaanka hoose ee webka.
Ceelka@gmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada