Daawo Sawirada :- Xafiiska R/Wasaaraha Somalia oo deeq lacageed gaarsiiyey Caruur ku dhaawacantay Qarax Miino

Daawo Sawirada :- Xafiiska R/Wasaaraha Somalia oo deeq lacageed gaarsiiyey Caruur ku dhaawacantay Qarax Miino

daajis.com:-Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cumar Xasan Cusmaan ayaa ku booqday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho dhaawacyada saddex caruur ah oo dhawaan waxyeelo kasoo gaartay qarax ka dhacay degmada Xamar-jajab ee Gobalka Banaadir.

Mudane Cumar ayaa mid mid u booqday dhaawacyada caruurta, wuxuuna waalidiinta dhallaankaasi ku wareejiyay lacag gaaraysa 1,500 dollar, isagoo u rajeeyay inuu alle siiyo caafimaad deg deg ah. 

Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsay qeybaha kale ee dowladda iyo hay’addaha samafalka in ay caawiyaan dadka tabaaleysan ee ku jira qaar ka mid ah cusbitaaladda magaalada Muqdisho.

Mudane Cumar ayaa sheegay inuu booqasho gabaan ugu yimid Bukaanada ku jira Isbitaalka isaga oo ka wakiil ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ula qeybsadaan dareenkooda, isla-markaana ay soo gaarsiiyeen deeq lacageed.

“Xukuumaddeenu aad ayay uga xun tahay dhibaatooyinka maalin kasta soo gaaraya shacabka Soomaaliyeed, waxayna diyaar u tahay inay culayska iyo dhibaatada la qaybsato dadkeeda” ayuu yiri Mudane Cumar.




Waa masuulkii ugu horreeyey oo ka socda dowladda oo deeq lacageed gaarsiiya carruur Sabtidii ku dhaawacantay qarax ay kooxaha nabad diidka ah soo galiyeen qashin ay soo dhigeen meel u dhow sarta Uunlaaye ee xaafada Xamar Jajab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada