Daawo Sawirada:- Xaflad lagu maamuusayay maalmaha 26-juun iyo 1-July oo ka dhacday dalka Swedan

Daawo Sawirada:- Xaflad lagu maamuusayay maalmaha 26-juun iyo 1-July oo ka dhacday dalka Swedan

daajis.com:-Munaasabad aad u ballaaran isla markaasna si weyn loo soo agaasimay laguna maamuusayey Maalinta Xornimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed ee 26 Juun iyo 1 da luuliyo ayaa lagu qabtay maanta Magaalada Knivsta ee dalkan Sweden. 

Munaasabadan oo ay soo abaabushay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Knivsta ayaa waxaa ka soo qeybgalay Shacab Soomaaliyeed oo aad u fara badan, Swedish, Mudanayaal iyo Madax ka tirsan Dowladda Hoose ee Knivsta. 

Munaasabaddan oo dadweynihii ka soo qeybgalay si weyn ugu riyaaqeen ayaa waxaa khudbado aad u xiiso badan ka soo jeediyey Madax Sharafeedkii ka soo qeybgalay oo ay ka mid ahaayeen Klas Bergström oo ah Duqa Magaalada Knivsta, Christer Johansson oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet), Britta Lästh oo ah Madaxa Gudigga Hiddaha iyo Dhaqanka ee Knivsta, Gunnar Ormeus oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Socialdemokrats ee Knivsta, Mudane Axmed Aadan Guuleed, Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Söderhamn, Mudane Sare Cabdullaahi Yalaxow Maalin, Xoghayihii Hore ee Ururka Waddaniyiiinta Soomaaliyeed, Mudane Aadan Turre oo ka mid ah Odayaasha Soomaaliyeed Uppsala, iyo Mudane Saciid Borama oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uppsala.  
 

Khudbadahan ay Madax Sharafeedku soo jeediyeen ayaa xambarsanaa dhiiri galin iyo is xasuusin dhibaatadii Gumaystuhu u gaystay Somalia iyo in lagu dadaalo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed. 
Waxaa kaloo khudbad soo dhaweyn ah iyo mahad celin ah soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Knivsta Mudane Cumar Faarax Xalane.  
 
Gudoomiyaha ayaa si weyn ugu mahadceliyey dhamaan Madaxdii iyo dadweynihii ka soo qeybgalay iyo dadkii kaalinta weyn ka qaatay qaban qaabada iyo hirgalinta Munaasabaddan.   Waxaa kaloo uu Gudoomiyuhu u Mahad celiyey Dowladdan Sweden iyo Dowlada Hoose ee Magaalada Knivsta maadaama ay Umadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada ay ku ku soo dhaweeyeen Magaaladan Knivsta iyo Wadankan Sweden. 
 

 
Munaasabaddan oo Madaxdii iyo shacabkii kasoo qeybgalay  loogu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Ciyaaro iyo Fan iyo Cuntada Dhaqanka u ah Umadda Soomaaliyeed ayaa waxa ay u mahadceliyeen intii soo abaabushay iyo gabdhihii Soomaaliyeed ee Sharafta lahaa ee Cuntada aadka u macaan iyo quruxda meesha ka shaqeeyey, Gabdhahaas sida weyn loogu riyaaqay looguna mahadceliyey waxaa ka mid ahaa Fartuun Xasan, Jamiilo Nuur, Fatxo Shire, Ayaan Shire, Amaal Shire, Farxiyo Ciise, Raaliyo Ciise, Malika, Shamso Cabdullahi iyo Maamo Aamino. 
 
 
Munaasabadda ayaa si wanaagsan lagu soo gabagabeeyey iyadoo dhamaan dadkii ka soo qeybgalay laga dheehanayey wajiyadooda farxad iyo rayn rayn aad u sareysa. 

 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada