Daawo Sawirada:- Xuska aas aaska sanad guurada 1aad ee Xafiiska UNSOM oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Daawo Sawirada:- Xuska aas aaska sanad guurada 1aad ee Xafiiska UNSOM oo maanta Muqdisho lagu qabtay

daajis.com:-Isagoo ka hadlaya xaflad loo qabtay dabbaaldegga sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay tan iyo markii la furay Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida inay dardargeliyaan horumarka laga gaarayo nabadda iyo dowlad dhisidda.

Isagoo munaasabadda ka hadlaya, Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Jeffrey Feltman, wuxuu yiri: “Sannad ka dib tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya weydiisatay Qaramada Midoobay inay ka kaalmeyso isku dubbaridka kaalmada caalamiga iyadoo dalku ka soo baxayo tobaneeyo sanno oo colaad ah, UNSOM wuxuu xafiisyo ka furtay gobollada dalka.

Maanta, bahda Qaramada Midoobay waxay si aad ah u joogtaa gudaha Soomaaliya, joogitaankaasoo ah kii ugu ballaarnaa sideed iyo tobankii sanno ee ugu danbeysay. Tani waa caddeyn la taaban karo oo muujinaysa sida adag ee ay nooga go’antahay inaan sii wadno la shaqaynta Soomaalida iyagoo ku hawlan nabadeynta iyo dib u dhiska dalkooda.”

“Soomaaliya waxay sannadkii tagay horumar muhim ah ka gaartay dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga laakiin waxaa weli harsan wax intaa ka badan oo u baahan in la qabto, waxaana ka mid ah horumarinta nidaamka federaalka, dib u eegidda dastuurka ku meelgaarka iyo diyaarinta doorashooyinka sannadka 2016”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Dadka Soomaaliyeed waxay filanayaan wax badan, waqtiguna wuu yaryahay. 

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda Soomaalida iyo hay’adaha dowladda inay midoobaan si loo gaaro danta guud ee Soomaaliya. Waxaa jirta shaqo badan oo u baahan in la qabto inta u dhexeysa hadda iyo sannadka 2016. Taageerada caalamiga ee lagu bixiyo nabadda iyo dowlad dhisidda Soomaaliya waxaa hagi doona mabaadi’da lahaanshaha iyo hogaanka Soomaaliyeed iyo dhowridda dastuurka ku meelgaarka”, ayuu raaciyay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada