Daawo Video:- Dhacdo Naxdin leh Hooyo Soomaaliyeed oo si xun ay u galeen ciidamo Boolis ah oo aad u xoog badan isla markaana .

Daawo Video:- Dhacdo Naxdin leh Hooyo Soomaaliyeed oo si xun ay u galeen ciidamo Boolis ah oo aad u xoog badan isla markaana .

daajis.com:-
Qoys Soomaaliyeed oo ku nool magaalada London ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel fara badan ka dib markii ay booliiska dalkaas ay si xoog ah oo lama filaan ah ay u galeen gurigooda islamarkaana ay ka ka xeysteen halkaas wiil yar oo 2 sano jir ah oo ka mid ahaa caruurta qoyskaas.

Qoyskaan Soomaalida ah ayaa waxaa la sheegay inay gurigooda ay ku soo weerareen ilaa iyo 7 ka mid ah ciidanka booliiska ee dalkaas Ingiriiska oo qaarkood ay wateen dhar caadi ah qaarna ay ku labisnaayeen jaakadaha xabada la isaga ilaaliyo.

Hooyada Qoyskaan Soomaalida oo lagu magacaabo Cadar Xuseen ayaa waxay argagax ka qaaday falkaas ay booliisku kula kaceen iyadoona mudo dhowr maalmood ah uusan wax hadal ah ka soo bixin afkeeda.

http://video.daajis.com/

Soomaalida ku nool xaafadaas oo arintaas ka gil gashay ayaa waxay mudaaharaad ku sameeyeen guriga looga taliya xaafadaas iyagoona ka dalbaday in dib loogu soo celiyo wiilkaas qoyskiisa sida sharci darada ah looga qaatey.

Ugu dambeyntiina iyadoo dadaal dheer iyo mudaaharaad ay sameeyeen Soomaalida ku nool xaafadaas ay ku guuleysteen in wiilkaas dib loogu soo celiyo hooyadiis iyo reerkiisa ayaa waxaa la sheegay inay dhibaatada ay ka dhalatey ka dib markii reer deris la ah qoyskaas Soomaalida ay booliiska gaarsiiyeen fariin ah inuu wiilkaas dayacan yahay iyadoona ay booliiska u gudbiyeen sawir wiilkaas yar oo oo kaligiis wareegaayo balakoonka gurigooda oo ku yaala dabaqa shanaad..

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada