Al-Shabaab oo ka hadashay Qorshaha Dowlada Soomaaliya diyaarisay ee loogu magac daray Nabad ku afur

Al-Shabaab oo ka hadashay Qorshaha Dowlada Soomaaliya diyaarisay ee loogu magac daray Nabad ku afur

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay qorshe cusub ay diyaariyeen Laamaha amaanka u aqaabilsan Dowlada Soomaaliya qorshahaa oo loogu magac daray Nabad ku afur ,


Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ugu magacaaban Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa sheegay in qorshaha Dowladu diyaarisay ee Nabad ku afur in uu yahay mid lagu doonayo in lagu baneesto dhiiga dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Jabal ayaa tilmaamay qorshaha ay Dowladu diyaarisay ee Nabad ku afur in uu yahay mid aan waxba lagu difaaceyn balse la doonayo in shacabka Masaakiinta ah ee Muqdisho ku dhaqan lagu dhibaateeyo.


"Qorshaha ay Dowladu diyaarisay waxaa ka mid ah in dadka masaakiinta ah ee Xamar ku dhaqan la baneysto dhiigooda, naftooda iyo maalkooda, oo ummada la dilo, oo ummada la dhaco ,Waxaan lee nahay ujeedooyin iyo qorshaa laga lee yahay, maahan in wax la difaacaayee, haddii wax la difaacaayo Madaxtooyaa la difaaci lahaa, Ramadaana ma'ahayn." ayuu yiri Gudoomiyaha.


Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay bilaabi doonaan dhibaatooyin ay u geesanayaan Shacabka isagoona intaa raaciyay in ay guryaha dadka ugu gali doonaan qaarna ay dili doonaan halka qaar kalana ay dhibaateen doonaan.


Hadalka Al-Shabaab ayaa imaanaya xili Dowlada Soomaaliya ay diyaarisay qorshe ay ugu magac dartay Nabad Ku afur kaa oo loogu tala galay in Ciidamada Dowlada ka hortagaan weerarao iyo qaraxyo Al-Shabaab qorsheenayaan in ay ishan ka fuliyaan gudaha Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada