Daawo Video:- Wiil uu adeer u yahay R/Wasaarihii hore oo ku biiray Al-qaacida

Daawo Video:- Wiil uu adeer u yahay R/Wasaarihii hore oo ku biiray Al-qaacida

daajis.com:-Warbixin iyo muuqaal uu baahiyay TV-ga CBS News ee dalka Canada ayaa waxaa kasoo muuqday wiil uu adeer u yahay Wa’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ku biiray kooxda Islaamiga Ciraaq iyo Shaam ee loo yaqaan ISIS ee dagaalada ka wada Syria iyo Ciraaq.

Faarax Maxamed Faarax Shirdoon wuxuu ku noolaa magaalada Caglari ee dalka Canada, waxaana wiilkaani Adeer rumaad u ah R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Wiilkaan ayaa kasoo muuqday baraha Internetka ee Al-qaacidada, isagoo hanjabaad u diraya dalalka Mareykanka iyo reer Galbeedka, isagoo sheegay in Syria u yimid sidii uu u burburin lahaa wax uu ku sheegay caddowga.

“Waxaan halkaan u imid inaan idin bur burino, waana idiin soo soconaa Iddin Alle” ayuu yiri Mr. Faarax Maxamed Faarax Shirdoon.

Faarax ayaa gubay baasaboorkii uu watay ee Canada markii uu Syria tagay sida la aaminsan yahay bilowgii sanadkaan.


Faarax hooyadiis iyo walaashii oo degen magaalada Caglary ee dalka Canada oo ah qoys diimeed ayaa sheegay inay jah wareer iyo wal wal aan yareyn ka qaadeen markii ay maqleen in Faarax uu ka dagaalamayo dalalka Syria iyo Ciraaq.

Halkaan Ka Daawo video-ga


Wiilkaan ayaa ka mid ah Boqalaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalalka Mareykanka, Canada iyo Yurub ka tegay, kuna biiray kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalamaya dalalka Syria iyo Ciraaq.

Dhawaan dawlada Ciraaq waxay sheegtay inay duqeyn ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo Al-Qacidada Ciraaq iyo Syria ka tirsanaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada