Top News:- Dagaal Culus oo ka Socda Ciraaq

Top News:- Dagaal Culus oo ka Socda Ciraaq

daajis.com:-Ciidamada Ciraaq iyo maliishiyaadka Muslimiinta Sunniga ayaa weli ka dhex socda dagaal culus oo la xiriira gacan ku haynta warshadda ugu weyn sifeynta batroolka ee waddanka ee Beiji.
 
Dad goobjoogeyaal ayaa sheegay inay arkayeen qiiq ka soo baxaya warshadda, isla markaana calanka madow ee kooxda Muslimiinta Sunniga uu ka dul babanayey dhismaha warshadda.
 
Saraakiisha ciidamada ammaanka ee Ciraaq ayaa sheegay in dowladdu ay weli gacanta ku hayso warshadda, oo ku taalla inta u dhexeysa magaalooyinka Baghdad iyo Mosul.
 
Mareykanka ayaa weli dersaya qaababka ugu habboon ee loo caawin karo Ciraaq si ay ula dagaalanto maliishiyaadka dagaalka wada , kuwaas oo qabsadey dhowr magaalo oo muhiim ah oo ku yaalla waqooyiga dalka, haatanna khatar ku ah inay qabsadaan caasimadda.
 
Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka General Martin Dempsey ayaa u sheegay guddi ka tirsan aqalka Senate-ka in dowladda Ciraaq ay Mareykanka ka dalbatey in weeraro dhanka cirka ah lagu qaado fallaagada.
 
Waxaa uu sheegay in dowladda ay Shiicada hoggaamiyaan ee Ciraaq ay fulin weydey balanqaadkii ay shacabka u sameeyeen, isla markaana hoggaamiyeyaasha qaranka ay ku guuldareysteen inay soo dhisaan dowlad midnimo qaran oo kala dhexeeya Sunniga iyo Kurdiyiinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada