Dhageyso Axmd Diiriye: Hawiye ayaa 80% degan Sh/hoose, ha lagu farxo ama ha laga naxo

Dhageyso Axmd Diiriye: Hawiye ayaa 80% degan Sh/hoose, ha lagu farxo ama ha laga naxo

daajis.com:-Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, ayaa sheegay in Maleeshiyaadka la waregay Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay yihiin Ciidamada Maamulka Shabelle State.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in Ciidamadaasi ay yihiin kuwa Xaqiijinaya Ammaanka Goobaha ay Qabsadeen sida uu sheegtay Axmed Diiriye, ayna habboon tahay in ayaga loo daayo maamulka magaalada.

Axmed Diiriye, ayaa sheegay in gobolka Sh/Hoose ay 80% dadka degan ay yihiin beelaha Hawiye, ayagana ay xaq u lee yihiini inay maamulaan gobolka.

“Xaqiida ayaa ah in gobolka dadka ugu badan ay yihiin Hawiye, ciddii doonta ha ku faraxdo ama ciddii doonta ha ka naxdo” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in haddii ay xaqii tahay in sheegashada Biyo-Maal ee ah inay gobolka ayaga u badan yihiin looga baahan yahay inay difaacdaan.

“Ma jirto cid deegaan ay u badan tahay laga saari karo, haddii Biyo-Maal gobolka u badan yahay ha difaacdaan” ayuu yiri.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada