Digniin la siiyay Milkiilayaasha Maqaayadaha iyo Ciidamo la dagaalamo Masoomayaasha oo la diyaariyay!!

Digniin la siiyay Milkiilayaasha Maqaayadaha iyo Ciidamo la dagaalamo Masoomayaasha oo la diyaariyay!!

daajis.com:-War kasoo baxay Wasaarada Diinta Ow-qaafta DFS, ayaa waxaa Digniin Culus lagu siiyay Milkiilayaasha Maqaayadaha Magaalada Muqdisho iyo kuwa ku yaalo goobaha ay gacanta ku heyso Dowlada.

Warka Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in aan loo dulqaadan doonin inta lagu guda jiro Bisha ramadaan in la furo goobaha Maqaaxida ah ee lagu iibiyo Raashiinka, waxaana laga digay in Milkiilayaasha ay xiliyada Soonka furan ama ka ganacsadaan Raashiinka bisil.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Ow-qaafta Xukumadda Soomaaliya Xaaji Maxamed Qeyrow oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan Aqbali doonin in ay Furnaadaan Goobaha lagu Cunteeyo Bisha Rabadaan.

Dhanka kale, Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay In Ciidamo wax ka qabta dadka masoomayaashaa ay diyaariyeen islamarkaana ay la dagaalami doonan dadka Masoomayaashaa sida uu sheegay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada