FIFA WORLD CUP 2014:- Hordhaca Spain Vs Chile: Spain Ma Ka Soo Kaban Doontaa Guuldaradii Netherlands?

FIFA WORLD CUP 2014:- Hordhaca Spain Vs Chile: Spain Ma Ka Soo Kaban Doontaa Guuldaradii Netherlands?

daajis.com:-Spain ayaa ka war haysa in guul kaliya ay rajadoodu ku xidhan tahay iyadoo ay wali ka sii dhexguuxayso guuldaradii 5:1 ahayd ee ay kala kulmeen Holland.

Tababaraha xulka Spain Del Bosque ayaa sheegay inuu samayndoono isbadal waxaana loo malaynayaa in Gerrard Pique iyo Xavi boosaskoodu halis ku jiraan halka Casillas laga yaabo inuu ku bilawdo ciyaarta.
Netherlands iyo Chile ayaa kulamadoodii furitaanka gaadhay guulo muhiim ah iyagoo leh min saddex dhibcood halka Spain iyo Australia ayna wax dhibco ah lahayn
Kulanka: Spain vs Chile
Garoonka: Estadio Maracana, Reo de Janiro
Waqtiga: 10:00 PM saacada geeska Afrika
Siidhiwalaha: M Geiger
 Xaqiiqooyin Aad U baahan tahay Inaad Ka Ogaato kulanka Sapin Vs Chile:
  • Chile ayaan wax guul ah ka gaadhay Spain 10 kii kulan ee ugu danbeeyay waxayna guuldaro kala kulmeen 8 jeer halka ay 2 jeer ka baraajeeyeen.
  • Spain ayaa ka guulaysatay Chile labadii koob aduun ee 1950 oo ay kaga badiyeen 2:0 halka ay  2010 kiina 2:1 guul kaga gaadheen.
  • Kulankii 1950 ee ay wada yeesheen Spain iyo Chile wuxuu ka dhacay isla Maracan oo ay ka dhici doonto ciyaarta caawu.
  • Spain ayaa 5 gool lagaga badiyay kulanka furitaanka koobka aduunka markii ugu horaysay wixii ka danbeeyay 1963 markaas oo ay Scotland 6:2 ku xasuuqday.
  • Spain ayaan laba guuldaro oo isku xiga la kulmin wixii ka danbeeyay 2006 markaas oo ay Northern Ireland 3:2 kadibna ay Sweden 2:o ugu siidartay.
Del Bosque: ayaa yidhi : “Xaqiiqdii wali way I damqaysaa guuldaradii Holland laakiin wali waxanu haysanaa fursad aanu ku soo bixi karno.
Goolhaya saddexaad ee xulka Spain David de Gea ayaa wali dhaawacan sida ay sheegeen saraakiisha Spain. Dhanka kale tababaraha xulka Chile Sampaoli ayaa sheegay inuu marka ay ciyaartu bilaamayso go’aan ka qaadan doono inuu kulankan ku bilabo Arturo Vidal kaas oo kulankii Australia ciyaaray qaybtii hore ee ciyaarta oo kaliya.
Sampaoli ayaa yidhi : Arturo Vidal wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro kooxda xulka qaranka, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay inuu halkan joogo waananu samayn doonaa hadii ayna isag waxyeelo u keenayn. Way adag tahay inaad Spain garaacdaa  hana ilaawina inay yihiin kooxaha aduunka ugu fiican. Waan hubaa oo kulankani wuxuu noqondoonaa mid aad u adag.
Alexis Sanchez ayaa hogaamindoona weerarka xulka Chile isagoo soo ban dhigay kulankii furitaanka qaab ciyaareed wanaagsan. Chile ayaa u muuqatay kuwo u nugul kubbadaha karooska ah kulankii Australia.
Linpka suurto galka ah inay labada xul kula bilawdaan:



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada