Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaano oo hooygiisa ku booqday Sheekh Shariif+Sawirro

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaano oo hooygiisa ku booqday Sheekh Shariif+Sawirro

daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xildhibaano ayaa maanta booqasho ugu tagay hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Gudoomiye Jawaari iyo xildhibaanadan oo safar shaqa ku joogo magaaladaasi Kampala ayaa maanta oo jimca ahayd booqday madaxweynihii hore ee soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo degan magaalada Kamlpala.

Mudane Jawaari oo ka hadlay qada sharaf heer sare ah oo loo sameeyay, kadib ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay maanta soo booqdaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, waxaana uu tilmaamay in shaqada iminka ay hayaan uu halkaan soo gaarsiiyay Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa dhankiisa sheegay inay farxad weyn u tahay in ay hooygiisa kusoo booqdaan gudoomiyaha Baarlamkaanka iyo xildhibaanada, waxaana uu yiri.
“ Qof mas’uul ah marka uu xil ka dago waa la eedeyn jiray ama waa la aflagaadeyn jiray, lakin hadda taasi wey ka duwan tahay waa dhaqan cusub in madax xil heeyso ay booqdaay masuul xilka uga horreeyay, waana idinkaaga bogaadinayaa ayuu yiri Sheekh Shariif.

 Sheekh Shariif ayaa dhanka kale uga tacsiyadeeyay Baarlamaanka Soomaaliya weerarki 24-ki bishii hore ay Al-shaab ku qaaday xarunta Baarlamaanka, isagoona amaanay geeiyaashii fashiliyay weerarkaasi.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada