Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo Dowlada ka dalbaday in ay cadeyso Gobolka Sh/Hoose halka uu raacsanyahay

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo Dowlada ka dalbaday in ay cadeyso Gobolka Sh/Hoose halka uu raacsanyahay

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlada Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka hadlay aqoonsigii Dowlada Soomaaliya u fidisay Maamulka Koonfur Galbeed oo tirsaday Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mr Siidii ayaa xusay in uusan waxba kala socon aqoonsiga Dowlada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la raaciyay Gobolka Sh/Hoose, waxa uuna til
maamay in aan marnaba lagu soo wargalin lagana tashan rabitaanka dadka Gobolka.
‘’Waan maqlay kaliya in Dowladu aqoonsatay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , aniga arintaas waxba kama ogi mana la isoo ogeesiin waxaan ku mashquulsanaa xalinta dagaal beeleedkii Gobolka ka dhacay’’ ayuu yiri Mr Sidii.
Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay cadeyso halka uu Gobolkan maamul ahaan raacsan yahay loogana talinayo .
Hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya xili maalmo kahor Dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban Sadaxda Gobol Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose , waxaana aqoonsiga Dowlada ka dhashay mucaaradad aad u baahsan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada