Sucuudiga oo xayiraad kusoo rogaya xoolaha Soomaalida

Sucuudiga oo xayiraad kusoo rogaya xoolaha Soomaalida

daajis.com:-Wararka ka imanaya Sucuudiga waxa ay sheegayaan in la joojiyey dhoofkii xoolaha nool ee Soomaaliya ee dalkaasi tagayay kadib markii sida la sheegey in cudur ka dilaacay dalaasi laga yaabo in uu ka dhashay xoolaha laga keenayo Soomaaliya, gaar ahaan geela.
geela
Inkasta oo wali xayiraada aanan la sharciyeynin, hadane sargaal sare oo u hadlay wakaaladda tayo-dhowrka sucuudiga uu sheegey in ay baarayaan xoolo markabka saaran oo dekada ku xiran.
Cudurkani oo loo yaqaano MERS ayaa la sheegey in dad badan ay u dhinteen.
Illaa iyo 4.7 malyuun oo neef ayay Soomaaliya u dhoofisey Sucuudiga sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya, haddii dhoofka la joojiyana waxa ay ka dhigantahay dharbaaxo weyn oo soo foodsaartay dhaqaalaha Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 01:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada