Kerry iyo Barazaani oo Kulmay

Kerry iyo Barazaani oo Kulmay

daajis.com:-Xoghayah arrimaha dibada Mareykanka John Kerry ayaa magaalda Irbil kula kulmey madaxweynaha Ismaamulka Kurdiyiinta Ciraaq Mascuud Barazaani.

Kerry ayaa sheegey in dhismaha dowlada loo dhan yahay ay tahay ubucda caqabada taagan ee ay Ciraaq wajaheyso.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sidan sheegay isagoo wali wadatashi la leh hogaamiyayaasha dalkaasi kalana hadlaaya sidii loo qaabeyn lahaa dowlada hada taagan iyo suniyiinta dagaalka kula jira.

Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Xaruunta u ah ismaamulkaasi ee Arbil .

Madaxweynaha Ismaamulka Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii xal loogu heli lahaa qalalaasaha ka ta
agan Ciraaq.

Ciidamada Kurdiyiinta ayaa dhawaan la wareegay maamulka magaalada Kirkuuk oo ah magaalo hodanka ku ah shidlaaka.

Magaalada Kirkuuk ayaa ka mid ah goobaha ay isaga baxeen ciidamada dawladda Ciraaq.

Kerry ayaa soo dhaweeyay talaabada ay qaadeen ciidamada Kurdiyiinta

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 20:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada