Mohamed Abdi Afey Ma wakiil IGAD-baa mise.?

Mohamed Abdi Afey Ma wakiil IGAD-baa mise.?

daajis.com:-Mohamed Abdi Afey oo IGAD sheegtay inuu wakiil uga yahay Soomaaliya ayaa noqday Wakiil Beeleed ku hadla afka Kooxda Raaskaanbooniyiinta Xasuuqa ka wada Magaalada Kismaayo.
 Mohamed Abdi Afey oo difaacaya ninka ay isku beesha yihiin ee Hogaamiya Jabhada Kaanbooniyiinta ayaa manta sheegay in loo aqoonsanayo Shabaab cidii kasoo horjeesata Heshiis uu ku sheegay in lagu heshiisiiyey labo Kooxood oo isku heysatay Maamulka Koofur Galbeed.

Heshiiska uu sheegay Mohamed Abdi Afey oo sheega inuu IGAD Matalo ayaa ah mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin kadib Markii Madaxweynaha Koofur Galbeed Madoobe Nuunoow iyo Ku xigeenkiisa Mohamud Sayid Aden ay sheegeen inaysan heshiiskaa waxba ka ogeyn. Mohamed Abdi Afey magacaabistiisa ayaa noqotay mid sii murjisay dhibaatadii iyo dagaaladii ka jiray dalka Soomaaliya.

Mohamed Abdi Afey oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya gaar ahaan Beesha Ogaadeen ayaa noqday mid baasiin kusii shuba dagaalada Beelaha ee ka socda Gobolada Soomaaliya. Handadaada Mohamed Afey oo uu isticmaalaayo Magaca IGAD ayaan ahayn mid ku cusub Soomaaliya oo wax ka bedelaysa xaalada Taagan.

Heshiiska Mohamed Abdi Afey ayaa ah mid la mid ah Ruwaayadii maalin dhoweyd Kismaayo kusoo dhigeen Raisul Wasaare Cabdi Weli iyo Mohamed Cabdi Afey oo ay ku sheegeen inay soo heshiisiiyeen Kooxda Ahmad Madoobe iyo Kooxda Col Barre Hiiraale, Riwaayadaas oo Col Bare si Cad idaacadaha uga sheegay inaanay waxba ka jirin, Hanjabaadii Mohamed Abdi Afeyna ay noqotay mid ku eg
idaacadaha iyo afka Baarkiisa, Riwaayada Raisul Wasaare Cabdi Wali iyo Wakiil ku sheega IGAD Mohamed Abdi Afey ayaa dagaalo ka dhex dhalisay Beesha Mariixaan iyo sidoo kale Kooxdii ku wada socotay Magaca Beesha Kablalax ee Ogaadeen iyo Harti, Dagaalo culus oo dhowaan ka dhacay Kismaayo una dhaxeeyay Kooxda Kaanbooniyiinta iyo Beesha Harti ayaa la shegayaa in Beesha Harti Daarood looga soo saaray magaalada Kismaayo.
Isku soo wada duube Mohamed Abdi Afey oo ku hadla Magaca Kooxda Kaanbooniyiinta ayaa noqday mid ceebeeyay Magaca IGAD iyo dhamaan wadamada ku bahoobay, Baarlamaanka iyo waxgaradka Soomaaliya ayaa canbaareeyay qaabka foosha xun oo loo isticmaalayo Magaca IGAD.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 20:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada