Kooxda xasaradaha dunida ayaa dowladda ugu baaqday inay xallintda khilaafaadka uga dayato Al-Shabaab

Kooxda xasaradaha dunida ayaa dowladda ugu baaqday inay xallintda khilaafaadka uga dayato Al-Shabaab

daajis.com:-Kooxda xasaradaha dunida ee ICG ayaa sheegtay inay adagtahay in laga guulaysto ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya haddi aysan dowladdu baddelin hanaankeeda.
Warbixintan oo ah tii ugu horreysay ee caalami ah oo sawir wanaagsan ka bixiso Al-Shabaab, ayaa waxay ugu baaqeysa dowladda iyo dhinacyada kale ee ku howlan dagaalka Soom
aaliya inay Al-Shabaab uga daydaan arrimaha la xirira xallinta khilaafaadka, siiba kuwa ku dhisan qabyaaladda.

Warbixinta waxay ku baaqeysaa in dowladda Soomaaliya ay dib u heshiisiin ka billawdo dhulka ay haatan gacanta ku hayso, ka hor inta aysan qaadin duullaan hor leh oo lagu qabsanayo dhulka ay haatan ka taliyaan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa laga qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya, balse waxay weli gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 02:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada