Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Uhuru Kenyatta

daajis.com:-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Galinkii Dambe ee Maanta Kullan kula qaatay Magaalada Nayroobi Madaxwaynaha Dalk Kenya Uhuru Kenyatta.
Kullanka uu Madaxwayne Gaas la qaatay Uhuru Kenyatta waxaa ku wehliyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo Sidookale Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland.
Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa Xoojinta Xirriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya Dowladaha Puntland iyo Kenya,Amniga,Siyaasada iyo sii wadida Ganacsiga labada dal, Arrimaha Federalka iyo Dismaha Maamul Goboleedyada Dalka Soomaliya.
Madaxwayne Mudane Cabdiwali Maxamed
Cali Gaas iyo Uhuru Kenyatta waxa ay isla qaaten in Puntland iyo Kenyaba Xafiisyada qunsuliyadahooda ka furtaan Magaalooyinka Garoowe iyo Nayroobi.

Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta.ayaa mudadii uu kullanku socday Madaxwayne Gaas ugu hambalyeeyay Guushi uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Gudaha Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada