Ra’isulwasaaraha oo kala soocanaayo Golaha Wasiirada iyo Wasiirada, Xildhibaanada Hawiye oo la faray inay ku laabtaan Goobohooda shaqo.

Ra’isulwasaaraha oo kala soocanaayo Golaha Wasiirada iyo Wasiirada, Xildhibaanada Hawiye oo la faray inay ku laabtaan Goobohooda shaqo.

daajis.com:-Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia ayaa sheegaya in meel wanaagsan uu iminka maraayo Khilaafkii u dhexeeyay Madaxda Dalka iyo Odayaasha Hawiye ee ka dhashay aqoonsiga Maamulka Seddexda Gobol.

Illo wareedka ayaa tilmaamayo in si ku meelgaar ah ay usii shaqo tagi karaan Wasiirada iyo Xildhibaanada DFS ee ka amarqaatay Odayaasha Hawiye, waxaana si hoose uusii s
oconaayo Wadahadalo hoose uu u dhexeeyo Madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha iyo Odayaasha Hawiye.
Inta uu wadahadalkii sii socdo, ayaa waxaa si kumeel-gaar ah shaqadooda usii gudanaayo Wasiirada iyo Xildhabaanada oo mid hal kulan ka baaqday, waxaana la filaaya in maalinta Talaadada ka hor uusoo gabagaboobo Khilaafka ka dhashay aqoonsiga.
Dhanka kale, warar hoose ayaa tibaaxayo in Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli sheikh la faray inuu sameeyo isku shaandheyn lagu sameynaayo Wasiirada, taasi oo la sheegay in lagu doonayo in lagu kala sifeeyo Wasiirada u go’ay Qabaa’ilkooda iyo Wasiirada gaarsiisan illaa heer qaran, lamaha Ogo Wasiirada ay goosan doonto Seefta Ra’isulwasaaraha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 01:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada