Labo askari oo Ka Tirsan Waaxda Canshuur qaadista OO Maanta Muqdisho Lagu Dilay

Labo askari oo Ka Tirsan Waaxda Canshuur qaadista OO Maanta Muqdisho Lagu Dilay

daajis.com:-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa Qarax qasaaro gaystay uu goor dhow ka dhacay degmadaasi.

Qaraxan ayaa waxaa la sheegay inuu yahay miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana ay ka dhacday Suuqa Degmada Kaaraan gudihiisa, halkaasi oo mashquul saa’id uu ka jiray.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay nawaaxiga Xafiiska Canshuuro Qaadista Degmada Kaaraan oo ku yaala isla Suuqaasi, sida dadka deegaanka ay ku waramayaan.
 
Labo ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, halka sidoo kale 7-kalena ay ku dhaawacmeen oo dhamaantood dad shacab ahaa, sida ay ku warameen dadka suuqa ku sugnaa.
 
Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan, kuwaasi oo suuqa Qaraxa uu ka dhacay baaritaano ka sameeyay, xilli dadkii dhaawacmay loo qaaday Isbitaalada Muqdisho.
 
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow, ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax maanta barqadii ka dhacay Suuqa Degmada Kaaraan, qaraxaasi oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
 
Labo askari oo kamid ah ciidamada qaadista Canshuuraha Degmada Kaaraan, ayaa ku geeriyooday qaraxaasi oo la geliyay goob ciidamada ay ku qaadayeen canshuuraha oo ku taalo Suuqa Degmada Kaaraan.
 
Axmed Xasan Yalaxoow, ayaa sheegay in labada askari ay geeriyoodeen, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad shacab ah oo gaaraya 7-ruux oo xilliga qaraxa uu dhacaye ka agdhawaa goobta.
 
Yalaxoow ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan xaqiijinta cidii ka dambeysay qaraxan maanta lagu dilay labada askari ee ka tirsan ciidamada Canshuuro qaadista Degmada Kaaraan.
 
Qaraxa oo ahaa noociisa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la geliyay goob jiingad ah oo ciidamada qaada canshuurta Degmada Kaaraan, waxaana ay ku tiilay Suuqa Degmada Kaaraan gudihiisa.
 
Labada askari ee maanta lagu dilay qaraxa ka dhacay Kaaraan, ayaa wadarta guud ee askarta Muqdisho shalay iyo maanta lagu dilay waxa ay ka dhigaysaa 6-askari, shalay afar askari ayaa la dilay.
 
Dowladda Soomaaliya ayaa ammaanka Magaalada Muqdisho ay ku dadaalayso inay ka dhigto mid wanaagsan, waxaana ay Dowladda diyaarisay ciidamo loogu magacdaray “Nabad ku afur” balse wali kama muuqato hanaan amni lagu sugayo.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada