Madaxweynaha Kenya oo sheegay in Al-Shabaab ka danbeyn weeraradii ka dhacay Mpeketoni

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in Al-Shabaab ka danbeyn weeraradii ka dhacay Mpeketoni

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyata, ayaa dafiray in Alshabaab ay ka danbeeyeen weerar labo habeen kahor lagu qaaday Jaziirada Mpeketoni, halkaasoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 50.

Madax/weyne Uhuro, ayaa sheegay in siyaasiyiin doonaya ineey dalka Kenya kala qeybiyaan ay masuul ka ahaayeen weerarkaas.

Waxaa uu sheegay in baaritaan lagu ogaaday in siyaasiyinin maxali ah ay ka dambeeyeen weerarkaas oo doonaya in la barakiciyo qowmiyadaha halkaasi degan.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku gacanseyray hadalka madaxweynaha.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay qaadeen weerar labaad oo ka dhacay xeebta dalka kenya oo ay ku dhinteen 15 ruux.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Kooxo hubeysan ay dhowr tuulo weerar ku qaadeen habeenkii xalay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in khadkii telefoonka la damiyay weerarka ka hor.

Mas'uuliyinta waxay sidoo kale sheegeen in 12 ruux oo dumar ah la afduubay, balse hay'adda Lanqeyrta Cas ayaa sheegtay in dadka la la'yahay ay gaarayaan 50 ruux.


Weerarkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii weerar kale oo ka dhacay magaalada Mpeketoni oo ay ku dhinteen 48 ruux.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada