SAWIRO:- 37 Qof oo Maxkamada G’Hiiraan Ay Si Aany Filey Xukun Ugu Riday Iyadoo..

SAWIRO:- 37 Qof oo Maxkamada G’Hiiraan Ay Si Aany Filey Xukun Ugu Riday Iyadoo..

daajis.com:-Maxkamadda ciidanka qalabka-sida ee gobolka Hiiraan ayaa Shalay la hor keenay 39 qof oo ku kala eedeysan inay fuliyeen dilal ka dhacay gobolka iyo inay qaarkood xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Xeer-ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada qalabka-sida ee gobolka Hiiraan korneel Cabdullaahi Maxamed Muuse ayaa sheegay in eedeysaneyaasha ay 37 ka tirsan oo labo ay haween yihiin loo heysto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab labada kalena ay fuliyeen dilal ka dhacay tuulada Beer-gadiid ee hoos tagta degmada Matabaan.
Maxkamadu go’aan kama aanay gaarin dacwadaha loo heysto eedeysaneyaasha balse Cabdullaahi Maxamed wuxuu xaqiijiyay in la dedejin doono xukunka.
Guddoomaiyaha maamulka degmada Beledweyne Macallin Qalaafow oo maxkamada ka hadlay ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan dedaalada lagu sugayo amaanka isla markaana ay ku kalsoonaadaan hay’adaha cadaalada.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka-sida ee gobolka Hiiraan Cabdi Baari ayaa xusay in sharciga Islaamka lagu xukumayo cid kasta oo dambi lagu helo.
Mudo bil ku dhow ayaa eedeysanayaasha lagu hayay xarunta ciidanka Nabad-sugidda ee magaalada Beledweyne waxaana lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidanka booliska iyo nabad-sugida ee gobolka Hiiraan.
Hoos Kadaawo Sawirada Dadka Maanta Laxukumay & Xeer ilaaliyaha Guud ee G/Hiiraan





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada