Madaxweyne Xassan Sheekh”Dagaal Beeleedyada dadka wada Al-Shabaab ayey u faa’iideynayan”

Madaxweyne Xassan Sheekh”Dagaal Beeleedyada dadka wada Al-Shabaab ayey u faa’iideynayan”

daajis.com:-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo kahadlay dagaal beeleedyada kasocda qaar kamid ah gobollada dalka gaar ahaan deegaano katirsan gobollada Sh/Hoose,Galguduud,Jubada Hoose iyo Sh/Dhexe ayaa sheegay inay ka faa’iideysanayaan kooxaha Argagaxisada gaar ahaan maleeshiyada Al-Shabaab isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo,
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka hurinaya dagaaladaasi ay u daneynayaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda maadaama xiligan la wiiq
ay awoodoodii iyagoo daneynaya in dagaaladaasi sii socdaan si ay dib isugu abaabulaan islamarkaana uga faa’iideystaan hubka sharci darada ah ee gacanta ugalaya,
Madaxweynaha ayaa u xusuusiyay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan waxgaradka deegaanadaasi sida aan marnaba horumar loogu gaareyn dhiig la daadiyo iyo  in qabiil qabiil la isku dilo isagoo u sheegay in cidii wax tabaneysa looga baahanyahay inay miiska wadahadalka soo fariistaan si loosoo afjaro khilafaadka dhiigu ku daadanayo ee dhacaya,
Soomaaliya mudo kabadan 24 sanadood ayey kujirtay dagaal iyo isdil majirto qabiil ku guuleystay dagaaladaasi marka laga reebo in dalka dowladnimadiisii la dhaawaco lana burburiyo kaabayaashii dhaqaalaha,Ciidamadii Qaranka iyo xarumaha dowladda hadana majirto cid xoog wax ku xalin karta ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay dagaal beeleedyada kasocda qaar kamid ah gobollada dalka
Ugu dambeyntii Xassan Sheekh Maxamuud ayaa balalan qaaday in dowladda federaalku diyaar u tahay inay cid weliba oo xuquuq ka maqantahay ay u raadiso si loo baajiyo dagaal dhex mara dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 20:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada