War Deg Deg Ah Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo kasoo horjeestay heshiiskii shalay lagu saxiixay Madaxtooyada

War Deg Deg Ah Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo kasoo horjeestay heshiiskii shalay lagu saxiixay Madaxtooyada

daajis.com:-Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo goordhaw la hadlay Idaacada BBC-da ayaa kasoo horjeestay heshiiskii shalay lagu saxiixay Madaxtooyada Soomaaliya kaa oo lagu micneeyay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in habkii loo maray Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee shalay Madaxda Dowlada aqoonsadeen uu yahay mid sharci daro ah , waxa uuna tilmaamay in Wasaaradiisa oo xaq u leh arimaha Maamul u sameynta aan lagala tashan.

Wasiirka ayaa xusay in xiligan aysan habooneyn in Dowladu aqoonsato maamul Goboleed uu muran ka taagan yahay , waxa uuna tilmaamay in Maamulkii Jubba uu dood ka taagnaa hadana la aqoonsaday mid kale oo farqaha la heesto.


‘’ Meelaha Maamulada loo sameenayo maahan goobo intooda badan xur ah , kuwii horey loo sameeyay ayaa wali buuq ka jiraa oo farqaha la is heestaa,Khilaaf badan ayaa ka taagan mamualadii mudii hore loo sameeyay kana waa lamid ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha.


Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in shaqadiisa fara galin lagu hayo ayna dad kale faraha lasoo galeyn shaqadiisa kuwaa uu kala jeeday Madaxda sare ee Dowlada, waxa uuna tilmaamay in shaqada Dowlada ay iska noqotay nin walboo iskaa wax u qabso .


Hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili Maalintii shalay Madaxtooyada Soomaaliya uu ka dhacay Heshiis la sheegay in ay ku midoobeen Maamuladii Baydhabo looga dhawaaqay iyadoona Maamulkaasi ay aqoonsadeen Sadaxda Masuul ee ugu sareysa Dalka.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 19:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada