Mareykanka oo ciidan geeyay Ciraaq

Mareykanka oo ciidan geeyay Ciraaq

daajis.com:-Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegeysa in ciidammadii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee loogu talagalay in ay ka caawiyaan ciidammada Ciraaq la dagaalanka kacdoonka Sunniyiinta ay durbaba shaqadoodi billaabeen.

Afartanka askari ee Mareyskan ah ee haatan ku sugan gudaha dalka Ciraaq ayaa qeyb ka ah ciidammadii ugu horreysay ee Mareykan ah ee halkaasi la geeyo.

Askartaasi ayaa laga soo badalay howlihii dhanka ammaanka ee ay hayeen, si ay u qiimeeyaan ciidammada Ciraaq ee ku jira safka hore ee dagaalka iyo sagaashanka askari ee Mareykanka ah ee horey halkaasi loo geenay si ay ugu biiraan ciidammada Ciiraaq.

Maalmaha soo socda waxaa magaalada Baqdaad soo gaari doona ciidamo kale oo dheeraad ah, oo laga kala keenay qeybaha kala gedisan ee gobolka.

Maamulka madaxweyne Obama ayaa ku doodayay in ciidammadani aanay noqon doonin kuwa dagaaladda ka qeyb qaata, sidaasi awgeedna shaqadoodu ay noqonayso oo kaliya in ay talo siiyaan ciidammada Ciraaq, isla markaana ay u gudbiyaan wararka dhanka mukhaabaraadka ee xaaladda ka jirta goobaha dagaalka.

Dowladda Ciraaq ayaa in muddo ahba ku baqaysay in Mareykanka uu duqeymo dhanka cirka ah ku qaado fallaagada, si uu u hor istaago halista jabhadda Islaamiga ah ee Daacish, balse madaxweyne Obama ayaa ka caga jiidayay in uu qaato tallaaba kastaa oo loo arki karo in uu la dhinac maray garab ka mid ah garabyada ay u dhaxeyso colaadda mad-habta ku saleysan ee ka jirta dalkaasi Ciraaq.

Waxaa uu in badan ku cel-celiyay baaq ah in xal siyaasadeed laga gaaro xasaaradda ka aloosan dalkaasi Ciraaq, taasi oo ah in la helo dowlad matasho danaha Sunniyiinta iyo dadka Kurdishka ah, waxaana baaqaasi mar kale maalintii talaadada ahayd ku celiyay xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry, xilli uu booqasho ku joogay magaalada Kurdiyiinta ee Irbil.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada