Sargaal sare oo u dhashay dalka Britin oo Hogaaminayey Weerarkii dhawaan dagaalyahano hubeeysan ay ku qaadeen magaalo yar oo xeebta ah dalka Kenya .

Sargaal sare oo u dhashay dalka Britin oo Hogaaminayey Weerarkii dhawaan dagaalyahano hubeeysan ay ku qaadeen magaalo yar oo xeebta ah dalka Kenya .

daajis.com:-Sida lagu daabacay wargeyska The Observer ee ka soo baxa dalka Ingiriiska cadadkiisa maanta waxaa lagu qoray in wargeysku ogaaday in kooxdii todobaadkaan weerartay dalka Kenya uu hogaaminayay sargaal cadaan ah oo u dhashay dalka Ingiriiska oo Al-Shabab ka tirsan.
Sido kale wargeysku waxaa uu sheegay in dadkii ka bad baaday weerarkii lagu qaaday magaaladda Mpeketoni ay u sheegeen inay arkeen nin cadaan oo kala amraya dhalinyaradii weerarka geysatay ninkaasna waxaa uu ku hadlayay luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka magaalada Mpeketoni.
Dhanka kale mid ka mid ah qof isku qariyay intii uu weerarka socday goob waxbarasho ayaa yiri “Kooxda nasoo weerartay waxaa ay u badnaayeen kuwo wajigu u duuban yahay waxaana amarka siinayay qof cadaan ah oo Carabi iyo Ingiriis ku hadlayay”

Hadaba Intaas kadib wargeyska The Observer ayaa sheegay in xiriir uu la sameeyay hay’adaha sirdoonka Ingiriiska ay u xaqiijiyeen in ruuxaas uu ahaa qof u dhashay dalka Ingiriiska oo hadda Al-Shabab ka tirsan.

Sirdoonka Ingiriisku waa ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan magaca ruuxaas ay ku sheegeen inuu British, yahay ee hogaaminayay weerarkii Kenya lagu qaaday.
Si kastaba ha ahaatee dagaalyahanada Al-Shabab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday magaalooyin ku yaala jaziirada Lamu waxaa la jooga ajaanib dhawr wadan u kala dhalatay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada