Dowlada Isra’el oo Kenya ka taagereysa la dagaalanka Al-Shabaab, kuna hanjabtey

Dowlada Isra’el oo Kenya ka taagereysa la dagaalanka Al-Shabaab, kuna hanjabtey

daajis.com:-Israel ayaa shaacisay in ay Kenya kala qeyb galayaan Hawlgalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabaab, oo weeraro ba’an ku haysa dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel Avigdor Liberman ayaa arrintaas u ballanqaaday Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo sheegay inay ka taageeri doonaan Hawlgalka ay kaga hortegayaan weeraradda qorsheysan ee Xarakadda Al-Shabaab ka fuliyaan dalka Kenya.

Avigdor Liberman oo haatan booqanaya magaalladda Nairobi, ayaa carrabka ku adkeeyey inay Milliteriga Israel kala qeyb galayaan Ciiddamadda Kenya dagaalka ay Alsabaab kula jiraan iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Waxa uu eedeyn kulul u jediyey Ururradda Al-Shabaab, Boko Haram iyo Ururradda Hubeysan ee Falastiin ee dagaalka dheer kula jira Israel.

Sidoo kale, Hoggaamiyayasha dalalka Afrika waxa uu ku booriyey inay taageero ka geystaan sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab, Al-Qaacida, Jihaadistayaasha Caalamka iyo xubnaha kale ee ka trsan Ururada hawlgalladda ka wada Afrika, Ciraaq, Syria iyo Bariga Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda Taageeradda Milliteriga Israel waxa ay ku soo kordhin karto awoodda Milliteriga Kenya oo iyagu la daalla-dhacayo Weeraradda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada