Daawo Sawirada:- Dhalinyaro badan oo Soomaali Maraykan ah oo ku biiray Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya

Daawo Sawirada:- Dhalinyaro badan oo Soomaali Maraykan ah oo ku biiray Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya

daajis.com:-Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 15 dhalinyaro Soomaali ah ay ku biireen kooxda ISIL/ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya.

Warbixin uu shaaciyey Raadiya Minnesota (Minnesota Public Radio) ayaa looga hadlay Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ah dhalinyarada ku biiray kooxda ISIL.

Warbixin ay shaacisay Warbaahinta Magaalada Minneapolis ayaa looga hadlay dhalinyarada Soomaalida ah ee xiligan ka dagaalamaya dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in intooda badan sanadihii lasoo dhaafay ay u baxeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka ka socda Siiriya balse qaarkood ayaa hada la sheegay inay ku sugan yihiin Ciraaq kana qeyb qaadanayaan dagaalada ay ISIL ka wado dhulkaasi.

Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid dhalinyarada la sheegay inay ku biireen kooxda ISIL ayaa bartiisa FACEBOOK ku shaaciyey qoraalo lagu taageerayo kooxda ISIL oo uu sheegay inay dib usoo celineyso Khilaafadii Islaamka, isagoona sheegay inuu nacay nolasha dunnidan uuna doonayo inuu u halgamo wuxuu Illaahay faray.

Balse qaar kamid ah Asxaabta iyo ehelada Cabdiraxmaan ayaa sheegay inaysan marna ka filaneyn inuu reerkiisa iyo caruurtiisa ka tago uu dagaal u tago wadan uusan waxna ka aqoon.

Hay’ada danbi baarista Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay inay baaritaan kuwado dadka ka shaqeeya in dhalinyarada Soomaalida ah u diraan goobaha dagaalada ka socdaan.

Sharciga dalka Maraykana ayaa qoraya in Muwaadin Maraykan ah uusan ka qeyb qaadan Karin dagaal wadan kale ka socda. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada