Sargaal Soomaali ah oo katirsanaa Ururka Al-Qaacida oo lagu dilay Duqeyn Diyaaradeed

Sargaal Soomaali ah oo katirsanaa Ururka Al-Qaacida oo lagu dilay Duqeyn Diyaaradeed

daajis.com:-Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay in Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Magaalada Faluuja ee Dalkaasi in lagu dilay afar Sargaal oo katirsanaa Ururka Al-Qaacida ee ka dagaalama dalkaasi.

War ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Ciraaq ayaa lagu sheegay in Duqeyn ay geesteen Diyaaradaha Dagaalka dalkaasi lagu dilay afar Sargaal oo katirsaanaa Ururka Al-Qaacida uuna ku jiro sargaal Soomaali asalkiisu yahay.


Duqeynta ayaa ku dhacday xero ciidan oo kutaala Magaalada Faluuja halkaas ay ay kusugnaayeen Saraakiil iyo dagaalyahano katirsan AL-Qaacidada ka dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Siiriya .

Afhayeenka wasaaradda difaaca dawlada Ciraaq oo la yiraahdo Maj Jen Max’ed Al-Askari ayaa u sheegay ayaa warbaahinta dalkiisa u sheegay in duqeynta ay ka geysteen diyaaradahooda magaalo yar oo la yiraahdo Al-Azrakia oo qiyaastii 5 km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Falluja, waxaana afhayeenku intaa ku daray inay dhawaan baahin doonaan magaca sargaalka Soomaaliga ah ee ay duqeynta ku dileen.

Ururka Al-Qaacida ayaan wali ka hadlin warkaan kasoo baxay Dowlada Ciraaq ee sheegaya in Duqeyn lagu dilay afar sargaal oo katirsanaa Kooxdaasi mid kamid ahna uu Soomaali ahaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada