Sirdoonka Mareykan iyo AMISOM oo si isku mid ah u kashifay Weeraro lala maagan yahay Muqdisho.

Sirdoonka Mareykan iyo AMISOM oo si isku mid ah u kashifay Weeraro lala maagan yahay Muqdisho.

daajis.com:-Qoraalo ay daabaceen Warbaahinta Dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Sirdoonka Mareykanka iyo AMISOM ay heleen Xogo ku aadan in Kooxda Alshabaab ay maagan yihiin weeraro aan horay loo maqal oo ay ka geystaan Xarumaha Dowlada iyo Saldhigyada Ciidamada kuwooda ugu waaweyn.

Qoraalka oo ay si wada jir ah usoo wada saareen Sirdoonka Dowlada Mareykanka iyo Taliska Ciidamada AMISOM, ayaa waxaa looga digayay Dowlada Federaalka Somalia oo iyadu badi muujiso Habacsanaan dhanka Ammaanka ah

Qoraalka waxaa sidoo kale, lagu sheegay inay jirto Xogo ku aadan Weeraro ay Alshabaab la damacsan yihiin Xarumahaasi ay ka heleen Sirdoonkooda, waxa ayna ku baaqeen in la muujiyo Feegjignaan dhanka Ammaanka ah.

Nuqul kamid ah Qoraalka ayaa waxaa kamid ahaa "Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in ay feejignaan la yimaadaan inta lagu jiro BishaRamadaan”ayaa lagu yiri warka USA iyo Amisom ka soo baxay.

Dhanka kale, labadaasi garab waxa ay Soomaalida ugu hambalyeeyeen dhalashada BishaRamadaan oo ah mid ka mid ah rukniyada diinta Islaamka oo sanadkii mar yimaada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada