Sudan oo dib u xirtay haweeney masiixi ah

Sudan oo dib u xirtay haweeney masiixi ah

daajis.com:-Ilo wareedyo ku sugan dalka Sudan ayaa sheegaya in mar kale la xiray haweenaydii shalay la siidaayey ee horay loogu xukumay dilka.
Haweneydaas ayaa waxaa horay loogu xukumay dil, ka dib markii ay maxkamad ku heshay dambi ah in ay ka baxday diinta islaamka, isla markaana ay guursatay nin masiixi ah.

Shalay ayaa la siidaayey, balse wararku waxay sheegayaan in haweenaydan oo la yiraahdo Maryam Ibraahim iyo qoyskeeda lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Khartoum waxaana xiray 40 nin oo ku labisanaa dhar rayid ah oo la aaminsanyahay in ay ka tirsanyihiin xoogagga ammaanka ee Sudan . Wararku waxay intaasi ku darayaan in haweenaydan ay doonaysay in ay ka dhuusho Sudan. Ma cadda sababta loo xiray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 22:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada