Daawod Sawrada:- G/Baarlamaanka Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Jabuuti

Daawod Sawrada:- G/Baarlamaanka Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Jabuuti

daajis.com:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayadoo Wafdiga Gudoomiyahana si heer sare ah loosoo dhaweeyey.

Wafdiga Gudoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Jabuuti,Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kula hadlay saxaafadda qeybta nasashada madaxda garoonkda diyaaradaha Jabuuti.
 
“waxaa farxad weyn inoo wada ah aniga iyo wafdiga Xildhibaannada ah ee ila socda inaan booqasho rasmi ah ku imaano dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti,ayadoo farxad gaar ah ay inoosii tahay in booqashadeenna ay kusoo beegantay xili ay walaalaha Jabuuti u dabaal degayaan sanadguurrada Gobonimadooda,booqashadan runtii waxey qeyb weyn ka tahay adkeynta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti”, ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Cusmaan Jawaari.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Idiris Arnaa’uud Cali oo isaguna dhankiisa saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Jabuuti ayaa xusay in uu aad ugu faraxsanyahay socdaalka Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku yimaadeen dalkan Jabuuti islamarkaana safarkaan uu ka dambeeyey socdaal ay wafdi uu hogaaminayey isaga ku tageen magaalada Muqdisho dhamaadka sanadkii 2012, hadana ay sii ambaqaadi doonaan wadashaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan sidii loo xajin lahaa.
 
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdiga uu hogaaminayo booqashada ay ku joogaan Jabuuti waxey qaadan doontaa mudo Afar Cisho ah waxaana uu kulammo lakala qaadan doonaa Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele,sidoo kalena waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka qeybgeli doonaa 37guurradii kasoo wareegatay gobonimada Jamhuuriyadda Jabuuti.
 




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada