VIDEO CAJIIB :- Suarez oo mar kale Ilkaha ku weerar-tamay

VIDEO CAJIIB :- Suarez oo mar kale Ilkaha ku weerar-tamay

daajis.com:-Weerar-yahanka xulka Uruguay Luis Suarez ayaa qaniinay daafaca xulka qaranka Italy Giorgio Chiellini, ciyaartii caawa ay 1-0 lagu reebay Talyaaniga.


Seeri-hayaha ciyaarta ayaan dhacdadan arkin, taasoo muran ka dhashay, wuxuuna seeri-hayaha uu sii waday ciyaarta.

Waa markii Sadexaad ee Suarez ilkahiisa ku weeraro difaacyada kasoo horjeeda, iyadoo ay markii labaad aheyd xili ciyaareedkii 2012-13 horyaalka EPL markuu qaniinyay daafaca  Chelsea Branislav Ivanovic, halka qaniinyo hore uu ka geystay xiligii uu ka ciyaarayay dalka Holland.

Lama oga go'aanka guddiga anshaxa FIFA ay ka qaadan doonto haddii la baaro dhacdadan oo lagu helo Suarez.

HALKAN KA DAAWO WEERARKA SUAREZ
http://video.daajis.com/

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada