Daawo Sawirada:- Duqa Muqdisho oo laga taageeray Garoowe

Daawo Sawirada:- Duqa Muqdisho oo laga taageeray Garoowe

daajis.com:-Waxgarad, Siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa si weyn u taageeray howlkarnimada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab", iyagoo ku taageeray tallaabadii geesinimada leh uu maamulkiisa u qaaday burburinta dhismooyin sharci daro ah oo laga burburiyay Km4.

Waxgaradka kasoo qeybgalay xafladan taageerada ah ee ka dhaccday Garoowe ayaa u mahad celiyay Duqa Muqdisho Muungaab, iyagoo tilmaamay in tallaabadaasi ay tahay mid soo celineysa midnimadii iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan burburiyay dhismoyaal sharci daro ah oo laga hor dhistay Hotel la oran jiray Degel oo ku dhawaa agagaarka Isgoyska KM4 ee degmada Hodan, kaasoo uu lahaa Ganacsade kasoo jeeda Puntland, isla markaana dib loogu celiyay.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali ayaa amaan u jeediyay Mudane Muungaab sida Soomaalinimada leh ee uu u qaaday tallaabada geesinimada leh, isagoo ka rajeeyay in wixii kale ee la mid ah howshaasi maamulka qabtay in ay dhameystiraan.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa maamulka Gobolka uu burburiyay dhismooyin sharci daro ah oo laga dhistay Hotel degan oo uu lahaa Ganacsade Yuusuf Jaamac Degel oo mudo laga haystay. 








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada