Wadamada Bariga Afrika oo ka cabsi qaba in Al-Shabaab qarxiso goobaha lagu daawado ciyaaraha adduunka

Wadamada Bariga Afrika oo ka cabsi qaba in Al-Shabaab qarxiso goobaha lagu daawado ciyaaraha adduunka

daajis.com:-Wadamada dhaca bariga Afrika ayaa cabsi xoogan soo wajahday, oo ku aadan in ay dhacaan qaraxyo laga fuliyo goobaha lagu daawado ciyaaraha adduunka.

Arintaasi ayaa keentay in dalal badan oo ka tirsan Wadamada Bariga Afrika la geliyo heegan sare oo looga hortegayo weeraro suuragal ah inay soo qaadaan kooxaha mayalka adag ee Al-Shabaab oo unug ka tirsan Al-qaacida ah.

Qof ismiidaamiyay oo la sheegay inuu watay mooto saddex lugood ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa habeenkii talaadada ku dilay 21 qof gobolka Yobe ee waqooyi bari ee dalka Nigeria xili ay daawanayeen ciyaartii dhexmartay Brazil iyo Mexico.

Dowladda Kenya ayaa shacabkeeda ka codsatay inay ciyaaraha ka daawadaan guryahooda si looga taxadiro qaraxyo iyo khasaare soo gaara shacabka.

Baaqa Dowladda Kenya ayaa kusoo beegmay maalmo kaddib markii ay weerarro ka dhaceen magaalada Mpeketoni ee gobolka xeebta ay ku dhinteen ugu yaraan 60 ruux.

Ururka Al-Shabaab ayaa sanadkii 2010-kii ciyaartii finalka ee Koobka Adduunka qarax khasaare badan dhaliyay ka geysteen goob lagu daawanayay ciyaarta finalka.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada