Wasiirada iyo Xildhibaanada Beesha Hawiye oo isku balansaday in aysan shaqeyn ilaa amar dambe(Warbixin)

Wasiirada iyo Xildhibaanada Beesha Hawiye oo isku balansaday in aysan shaqeyn ilaa amar dambe(Warbixin)

daajis.com:-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Beesha Hawiye ayaa isku raacay in aysan shaqeyn kana qeyb galin fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya ilaa laga saxayo qalad ay sheegeen in ay galeen Madaxda Dowlada Soomaaliya.

Kulankii shalay ay qaadan lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u baaqday Kooram la’aan kadib markii Xildhibaanada Beesha Hawiye iyo Xildhibaano kale oo kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayka baaqsadeen kulanka kana soo horjeesteen heshiiskii maalin kahor lagu saxiixay Madaxtooyada.

Xildhibaanada Beesha Hwaiye ee ku jira Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Wasiirada Beesha Hawiye kasoo jeeda ee ku jira Xukuumada ayaa go’aansaday in ay shaqo joojin sameeyaan ilaa ilaa laga xalinayo cabashooyinka ay qabaan.

Wasiirada iyo Xildhibaanada Hawiye ayaa kasoo horjeeda aqoonsigii Dowladu aqoonsatay Maamulka Koonfur Galbeed ee Sadaxda Gobol, waxa ayna ku tilmaameen arintaasi mid shirqool ah oo sii hurin karta colaadaha dalka ka jira hadii aysan Dowladu ka laaban go’aanka ay gaartay.

Dowlada dhaxdeeda ayaa hada laga dareemayaa kala qeyb sanaan iyo khilaaf xoogan oo ka dhashay aqoonsiga Maamulka Koonfur Galbeed ee ka kooban sadaxda Gobol, waxaana suurtogal ah in mar kale arintan ay abuurto culees Siyaasadeed.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in uusan marnaba aqoonsaneen Maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna intaa raaciyay in uusan waxba kala socon Heshiiska la saxiixay shaqdiisana la fara galiyay.

Sadaxda Masuul ee ugu sareeya Dowlada Soomaaliya ayaa aqoonsaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona munaasabad lagu aqoonsanayay Maamulka farqaha laga heesto ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 16:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada