Taliyiha iyo Abaanduuliha Ciidanka Xooga Soomaaliya oo xilka laga qaaday iyo Xog ku aadan raga lagu badalayo

Taliyiha iyo Abaanduuliha Ciidanka Xooga Soomaaliya oo xilka laga qaaday iyo Xog ku aadan raga lagu badalayo

daajis.com:-Warar soo baxaya oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo Abaanduulaha Ciidanka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo xil ka qaadista uu Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha ugu sareeya Ciidanka Qalabka sida uu ku sameeyay Saraakiishii ugu sareesay Taliska Ciidanka Milatariga.

Sida laga soo xigtay ilo ku dhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa la filayaa in loo Magacaabo Jen. Cabdullaahi Cali Caanood halka abaanduulaha Ciidanka isna lagu wado in laga dhigo Jen. C/llaahi Cismaan Cagey.


Labadan Sargaal ee loo magacaabayo Taliyaha iyo abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa horey uga tirsanaa Milatariga waxa ayna kasoo qabteen xilal kala duwan taliska Ciidanka, iyadoona la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya si rasmi ah u magacaabo Waqtiyada soo aadan.

Lama shaacin sababaha xilka looga qaaday Taliyihii iyo abaanduulihii Ciidanka Xooga Soomaaliyeed kuwaa oo xilkaasi loo magacaaby sanad kahor kadib markii ay xilka la wareegtay Dowlada Federaalka Soomaaliya uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 16:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada