Maxay galabsatay gabadhani oo ay u kufsadeen, ifkana uga qariyeen

Maxay galabsatay gabadhani oo ay u kufsadeen, ifkana uga qariyeen

daajis.com:-Gabar 20-sano jir ah oo u dhalatay dalka Pakistan ayaa si xun loo dilay iyadoona kahor inta aan la dilin gabadhan ay kufsadeen sadax nin oo manaxayaal ah kuwaa oo kufsiga kadib kasoo laad laadiyay geed weyn oo kuyaalay halka ay ku kufsadeen.

Muzammil Bibi oo ah gabadha falkan foosha xun lagu sameeyay ayaa kusugneed beer ay reerkooda leeyihiin oo kutaala deegaan ay dagaan dadka saboolka ah oo lagu magacaabo Layyah kana tirsan Gobolka Punjab ee Dalka Pakistan, waxaana halkaasi kusoo weeraray Sadax nin oo kufsi kula dhaqaaqay xiligaa kadibna inta ay dileen kasoo laad laadiyay geed.

Xubno katirsan Reerka Gabadhan ayaa markii ay tageen beerta waxa ay la kulmeen dhacdadan argagaxa leh , waxa ayna xiligaa kadib iyaga oo murugeesan ku wargaliyeen Ciidamada booliiska Deegaanka uu falku dhacay .

Sargaal katirsan Booliiska Pakistan oo lagu magacaabo Sadaqat Ali Chohan ayaa sheegay in uu aad u argagaxay markii uu arkay sida gabadhan loo galay , waxa uuna tilmaamay 22-sano uu kusoo jiray Howlaha Ciidanka booliiska in uusan arag falkan mid lamid ah.


Dalalka Pakistan iyo Hindiya waxaa ka dhaca dhacdooyin murugo leh oo loo geesto gabdhaha kunool Dalakaasi , waxaana dhawaan Dalka Hindiya laga helay labo gabdhood oo iyagana inta la dilay laga soo laad laadiyay geed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada