2014 FIFA World Cup:- Maxaa kala heysta caawa France vs Germany iyo Brazil vs Colombia wareega 8-da ee Koobka Aduunka?

2014 FIFA World Cup:- Maxaa kala heysta caawa France vs Germany iyo Brazil vs Colombia wareega 8-da ee Koobka Aduunka?

daajis.com:-Labo ciyaar oo xiiso leh oo ka tirsan wareega 8-da ee Quarter Finalka Koobka Aduunka ayaa caawa waxa ay dhex mari doontaa Xulalka France vs Germany iyo Brazil vs Colombia, waxaana kulamadan ay yihiin kuwo si aad ah isha loogu haayo.

Ciyaarta ugu soo horeysa ayaa caawa marka ay saacada geeska afrika tahay 7-da fiidnimo waxa ay garoonka Maracana Stadium ee magaalada Rio de Jenior ku dhex mari doontaa xulalka France iyo Germany oo ka mid ah xulalka ugu tunka weyn Yurub.

Labada xul ayaa horay isku arkay Koobabkii aduunka ee sanadihii 1982 iyo 1986, waxaana labada jeer ee ay is arkeen xilligaas badinayay xulka Germany, marka ciyaar ahaan la eegana waa labo xul oo aad u xafiilmata.

Xulka Germany ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay soo gaarayay wareega afar dhamaadka ee Sema Finalka sida sanadihii 2002, 2006 iyo 2010, waxaana uu horay ugu guuleystay saddex jeer, waxaa ugu dambeysay Koobka sanadkii 1990-kii ee lagu qabtay dalka Talyaaniga.


Sidoo kale xulka France ayaa koobka aduun ee ugu horeeyay qaaday 1998-dii, waxaana sanadihii u dambeeyay ee ka qeyb qaadashadiisa koobka aduunka ay ahaayeen kuwo hooseeyay, laakiin Tababare Didier Dechamps ayaa soo xulay ciyaartoy da’yar ah oo xirfado leh.

Ciyaarta labaad ayaa dhex mari doonta xulka marti gelinaya Koobka aduunka ee Brazil iyo xulka Colombia oo laga yaaban yahay, waxaana si gaar ah isha loogu heyn doonaa xidigaha labada xul u kala qaata Nambarka 10aad ee da’da yar waa Neymar iyo James Rodriguez.

James Rodriguez ayaa labo gool oo qurux badan ka dhaliyay xulka Uruguay, ciyaartii ka tirsaneyd wareega 16-ka, waxaana xidigan uu hogaanka u hayaa gool dhalinta koobka aduunka, isagoo dhaliyay 5-gool.

Brazil oo horay shan jeer ugu guuleysatay Koobka aduunka ayaa rajo ka qabta inay markii lixaad qaadi, balse waxaa imtixaan badan ka heysta sida ay uga gudbi laheyd dalalka Latin America ka soo jeeda oo ay is ciyaar yaqaanaan.


Ciyaartii u dambeysay ee Brazil la ciyaartay Chile ayaa aheyd mid qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay aanay soo bandhigin, isla markaana si nasiib leh ay rigoorayaal ugaga badisay Chile, waxaana heysta cadaadis badan ciyaartoydooda sidii ay sumcada wadankooda u bad baadin lahaayeen.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada