Soomaali Fara Badan oo ku xeran garoonka Kasarani oo nolol xumo haysato

Soomaali Fara Badan oo ku xeran garoonka Kasarani oo nolol xumo haysato

daajis.com:-Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran garoonka kubadda cagta Kasarani ee Nairobi ayaa ka cabanaya dhibaatooyin dhinaca nolosha ah oo xabsiga ku haysta, iyagoo sheegay inay ilaalada garoonkaas ay mar walba garaacaan.

Garoonka Kasarani ayaa tani iyo bishii Abriil ee sannadkan wuxuu ahaa goob ay ciidamada Kenya ku xiraan dadka Soomaalida iyo ajaanibta kale ah ee ay kusoo qabqabtaan howlgallada ka socda magaalada Nairobi.


“Dhibaato aad u daran ayaa halkan nagu haysata, waxaan haystaa warqado aan wax kaga barto dalkan, ciidamaduna way diideen inay warqadahaas igu tixgeliyaan, halkaanna waxaan ku xirannahay muddo bil ah,” ayuu BBC-da u sheegay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/qaadir.

Wiilkan ayaa sheegay in xabsiga ay ku hayso nolol xumo, ayna ciidanka ula dhaqmaan si aad u fool xun, isagoo xusay in dadka garoonkan maxaabiista ku ah inay ku jiraan gabdho Soomaaliyeed oo habeen iyo maalin isaga dhex ooyaha xabsiga, iyaguna aysan waxba u qaban karin.


“Ma jirto cid noo timid, dowladda Soomaaliyana way u jeeddaan in dalkaan lagu dhibaateynayo shacabkeeda, sidaa daraadeed waxba uma sheegi karno waayo way ogyihiin wax walba,” ayuu yiri C/qaadir oo la weydiiyay su’aal ah inay dowladda Soomaaliya la xiriireen si ay dhibaatadooda ugu sheegaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay wiilkan inaysan garanayn wax ay sameeyaan oo aan ka ahayn inay Kenya isaga baxaan oo ay dalkooda ku laabtaan haddii ay fursad u helaan, wuxuuna xukuumadda Kenya ku eedeeyay inaysan ogoleyn inay dalkooda ku celiso maxaabiistan.

Dhanka kale, gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaawo Maxamuud Cabdi ayaa u sheegay BBC-da in ciidanka Kenya ay qabteen xili ay doonaysay inay isaga baxdo Kenya, balse xabsiga ay u taxaabeen ayna ku xiran tahay Kasarani muddo laba bilood ah.

“Halkaan waxaan ku jiraa laba bilood, noloshu aad ayay u xun tahay, biyo ma jiraan, cunnana waxaan helnaa Ugaali (Soor) qalalan, taas ayaana ku soonnaa tan iyo markuu ramadaanku dhashay, waayo waa waajib in bishan la soomo, salaadna warkeeda daa… waayo biyo ma haysanno, xitaa kaadida biyo aad isaga dhaqdo ma helaysid,” ayay tiri Xaawo.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa intaas ku dartay inaysan jirin cid ay la xiriiri karaan, askartuna ay garaacaan markii ay weydiistaan taleefoon ay kula xiriiraan ehelladooda.

“Dhibaato daran ayaa halkan nagu haysata, waxaana Alle ka rajeynayaa in uu naga saaro xabsigan… ma jirto cid loo naxariisanayo… qof walbana sidii la doono ayaa loola dhaqmaa,” ayay gabadhan hadalkeed ku dartay.

BBC-da oo arrintan kala hadashay danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika ayaa wuxuu sheegay in dadkaas ay yihiin kuwo aan dalkan ku joojin sharci, balse ay wadaan qorshihii ay xabsigaas uga saari lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed.


“Maxaabiis iyaga ka badan ayaan ugu tagnay oo aan ka saarnay, iyagana waan ka saaraynaa… waxaase naloo sheegay inay yihiin dad loo haysto inay sharci-darro dalkan ku joogeen, innaguna dowladda Kenya waxaan had iyo goor ka codsanaa inaan la dhibaateyn Soomaalida loona fududeeyo in dib loogu celiyo dalkooda kuwii aan sharci lahayn,” ayuu kaga jawaabay su’aal ahayd inaysan maxaabiistaas sheegeen inaysan u imaan cid ka dowladdooda ka socota.

Ugu dambeyn, danjire Ameerika ayaa sheegay in tirada dadka Soomaalida ah ee ku jira Kasarani ay yihiin toddoba qof oo keliya, ayna la socdaan sida uu xaalkoodu yahay, markii loo oglaado inay ka saaraan halkaasna ay dib ugu celin doonaan dalkooda hooyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada