Saacadaha soo socdo oo Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga Qaranka loo magacaabi doono Xil Muhiim ah.. (Xog hoose oo ay heshay Shabakadda Daajis)

Saacadaha soo socdo oo Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga Qaranka loo magacaabi doono Xil Muhiim ah.. (Xog hoose oo ay heshay Shabakadda Daajis)

daajis.com:-Mas’uuliyiin ku sugan Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu damacsan yahay inuu Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed u magacaabo La-taliyihiisa dhanka Arimaha Siyaasada.


Illo wareedka ayaa xaqiijinaayo in Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo lagu magacaabayo Guulled lagu dhex arkay Xafiiska Madaxweynaha, waxaana la sheegayaa in Saacadaha soo socdo si toos ah loo shaacinaayo Magacaabida Xilkaasi.

C/kariin Guuleed ayaa waxaa Is Casilaadiisa Wasiirnimo ka dambeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo xiligaasi safar shaqo ku joogay Dalka South Africa waxa uuna qadka Telka kula soo hadlay C/kariin Guulled isagoona ugu baaqay inuu Is-casilo, maadama Arrin ay faraha ka baxday.

C/kariin Guulled oo ay xiligaasi qadka Telka kuwada hadleen ayaa Is Casilaadiisa ku dhawaaqay 11:30 habeenimo kadib markii Bishii May ay Kooxo hubaysan soo weerareen Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, halkaaso ay ku Nafwaayeen inkabadan 20-Ruux.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku fashilmay Shaqadii loo dhiibay oo aheyd sugidda Amniga Dalka, waxaana dhowr jeer ku baaqay inuu iscasilo Xildhibaanada Baarlamaanka Hayeeshe waxa uu markii dambe Ogaaday inuu Fashilmay isagoona Weerarkii Baarlamaanka ku qaatay Go’aan halkaasina isku Casilay.

Sidoo kale, Raisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh ayaa wali magacaabin jagadii uu wasiirkii hore ee Amniga iska casilay, waxaana si KMG ahaan ah u hayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Dhanka akle, La Taliyaha Cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu waligiisba ahaa Taliye Xassan Sheekh, waxaana iminka si toos ah looga sii dhigay Taliye aan qarsaneyn, ka gadaal markii uu wax ka qaban waayay Ammaanka Magaalada Muqdisho sidaana isku casilay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada