Askar ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda oo Muqdisho lagu dilay

Askar ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda oo Muqdisho lagu dilay

daajis.com:-Laba askari oo ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda hoose ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Askartaan ayaa lagu kala dilay degmooyinka Hilwaa iyo wadajir ee magaalada Muqdisho, xilli ay qaadayeen canshuuro, waxaana lagu warramayaa in rag hubeysan ay toogteen.

Madaxa Amniga degmada wadajir ee maamulka dowladda Muuse Maxamed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askari ka tirsanaa waaxda canshuuraha lagu toogtay degmadaasi wadajir, xilli uu canshuur ka qaadayay kawaan hilibka lagu iibiyo.

Sidoo kale askariga kale oo isna ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dowladda ayaa lagu dilay xaafadda suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa, waxaana la sheegay inay toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Askarigaan ayaa la sheegay in isna uu qaadayay canshuuro xilliga la dilayay, waxaana la socday askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladda, kaasi oo la sheegay inuu baxsaday, marki la toogtay askariga la socday.


Dilalkaan qorsheysan ayaa kusoo beegmaya xilli la dhaliilayo barnaamijka Nabad ku Afar oo ay shacabka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ay sheegeen in amaan darrada ay sabab u tahay barnaamijka Nabad ku Afur.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada