Daawo Sawirada:- Madaxweyne Gaas oo Maanta kormeeray Wasaarado katirsan Maamulka Puntiland..

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Gaas oo Maanta kormeeray Wasaarado katirsan Maamulka Puntiland..

daajis.com:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarumaha ay ku shaqeeyaan Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Xanaanada Xoolaha ee ku yaala Magaalada Garoowe ee Caasumadda Puntland.

Kormeerkii ugu horeeyay ayuu Madaxwayne Gaas ku tagay Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Mudane Cabdiwali Seed Cilmi,Agaasimayaal iyo Howl wadeenada Wasaaradaasi.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mudadii uu ku sugnaa Xarunta Wasaaradaasi,waxa uu kormeer ku sameeyay Xafiisyadda ay ku shaqeeyaan Howl Wadeenada Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland,isagoona kullan xog wareysi ah la yeeshay Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi.


Kormeerkii Labaad ayuu Madaxwayne Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland,waxana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlada Puntland Shire Xaaji Faarax iyo shaqaalaha Wasaaradaasi.

Kullan Gaar ah oo Madaxwayne Gaas la qaatay Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Puntland iyo Howl wadeenada Wasaaradaasi ayuu kula dar daarmay in ay dar dar galiyaan Howlaha muhiimka ee ay u hayaan Shacabka Puntland.

Kormeerkaan uu Maanta Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku tagay Xarumaha Wasaaradahaasi ayaa qayb ka noqonayo kormeero shaqo oo uu Madaxweyne gaas maal mihii ugu dambeysay ku samaynayay Wasaaradaha Puntland.













FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada