Boqorotyada Sacudi Carabiya oo geysay ciidamo xadka ay la wadaagto dalka Ciraaq

Boqorotyada Sacudi Carabiya oo geysay ciidamo xadka ay la wadaagto dalka Ciraaq

daajis.com:-Dowlada Sacudi Carabiya ayaa geysay ciidamo gaaraya 30,000 oo askari xadka ay la wadaagto wadanka Ciraaq kadib markii ay ciidamadii Ciraaqiyinta ahaa ee hore halkaas u joogay ay isaga baxeen.


Wadanka ugu wax soo saarka badan caalamka dhinaca saliida ayaa la leh xad dhererkiisu yahay 800-km (500-mile) wadanka Ciraaq halkaa oo ay ururka ISIS oo haatan u xuub siibtay dowlada Islaamiga ah aya qabsadeen magaalooyin badan.

Boqor Cabdalle ayaa amray dhamaa wixii looga baahan yahay si looga ilaaliyo boqortoyada halista uga iman karta ururkan sida ay sheegtay wakaalada wararka ee SPA.

Shabakada taleefishinka al-Arabiya ayaa sheegay in ciidamada Sacudiga la geeyay xadka kadib markii ay baneeyeen ciidamadii halkaa u joogay balse dowlada Ciraaq ayaa beenisay in ay ciidamadeeda ka soo baxeen xadka.

Al-arabiya ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay heleen cajalad muuqaal ah oo tusinaya illaa 2,500 oo askari oo Ciraaqiyiin ah oo ka tagaya xadka iyagoo ku sugan bariga magaalada Karbala.

Sarkaal muuqaalkan ku jira ayaa waxa uu sheegay in askarta lagu amray in ay ka tagaan xadka iyadoo aan wax sabab ah loo sheegin.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Ciraaq ayaa u sheegay BBCda in ciidamada dalka Ciraaq ay si caadi ah uga howlgalayaan xadka kala qeybiya labada dhinac.

Boqorka Boqortoyada Sacudi Carabiya King Abdullah ayaa qadka taleefanka kula sheekeystay madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama iyagoo ka wadahadlay halista ku soo fool leh wadamada Bariga Dhexe.


Madaxweyne Obama ayaa waxaa uu uga mahadceliyay boqorka Sacudi Carabiya deeqda lacagta ah ee gaareysa $500m (£291m) oo ay ugu deeqday Qaramada Midoobay si loogu gargaaro dadka ku dhibaateysan wadanka Ciraaq.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada