Ciidamada Taraafikada oo bilaabay inay qaataan hub ay isku difaacaan

Ciidamada Taraafikada oo bilaabay inay qaataan hub ay isku difaacaan

daajis.com:-Ciidama ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa bilaabay inay qaataan hub ay isaga difaacaan maleeshiyaad hoostaga Shabaab oo beegsi ku haya Taraafikada.

Qaar ka mid ah Taraafikada ayaa haatan bilaabay inay hubka qaataan, waxaana wadooyinka iyo isgooysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ku arkeysaa Taraafiko sito hub oo baabuurta kala hagayo.

Arintaan ayaa ka dambeyso kadib marki ciidamada Taraafikada ay naftooda u cabsadeen,waxaana dhowaan ay Shabaab ka dileen dhowr askari.

Taliyaha ciidama ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay inaysan jirin wax saameyn ah oo ay ku yeelatay shaqooyinkooda, amni darrada iyo beegsiga Taraafikada.

Waxa uu sheegay Cali Gaab inay ku shaqeeyn doonaan hadba marxaladda dalka, hadi amniga dalka wanaagsanaado ay bilaa hub shaqeynayaan, lakin inta amniga laga xaqiijinayo inay ku shaqeeynayaan iyagoo hubka sita.

Qaar ka mid ah ciidamada Taraafikada ayaa warbaahinta u sheegay in ay dadka qaar ay ku diidan yihiin weeydiinta shatiga leeysinka ee gaariga lagu kaxeeyo, waxaana sidoo kale Taraafikada ilaalo ka haayo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Dhowaan ayay ahayd marki ay Shabaab sheegtay inay beegsan doonaan ciidamada Taraafikada oo ay ka dileen ilaa afar askari.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada