Daawo:- Haweenka qurbaha ka yimid iyo dhalinyarada xamar maxa kala heesta

Daawo:- Haweenka qurbaha ka yimid iyo dhalinyarada xamar maxa kala heesta

daajis.com:-Iyadoo xiligan lagu guda jiro Bisha Ramadaan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyey Haweenka Qurbaha ka kala yimid, waxaana dhalinyarada Muqdisho ay loolan xoogan ugu jiraan haweenkaasi.

Xaafadaha magaalada Muqdisho dhalinyarada ku nool waxay loolan adag ugu jiraan sidii ay ku kasban lahaayeen haweenka Qurbaha ka yimi, goobaha la isugu yimaado ayaa ku arkaysaa dhalinyarada oo labis bilic qurxoon soo xirta isla markaana qaarkood gawaarida yar-yar ee raaxada soo tabalsada si ay u kasbadaan haweenkaasi.

Sidoo kale haweenkan oo intooda badan aanan ka helin Yurubta ay ka yimaadeen Ragg ay la wadaagaan nolosha guurka ayaa dhankooda xuuraansi xoogan ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen dhalinyaradaasi si ay ula aqal galaan.

Dhacdooyinkan ayaa ah kuwo ka badalan waqtiyadii hore oo inta badan gabdhaha reer Muqdisho ay xiiso gaar ah u qabi jireen Dhalinyarada iyo odayaasha ka yimaada qurbaha waxaana badalay haweenka Qurbaha ka yimaada oo dhalinyarada Loolan adag ugu jiraan xiligan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada